Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeymo diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari.
Wasiirka ayaa sheegay in duqeymaha sidii loo qorsheeyay ay u dhaceen, islamarkaana lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buyraleyda ah.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad tababar loogu soo xiraayay Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab, taasoo ka dhacday xerada Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo Puntland Mareykanka ay xaqiijiyeen in duqeynta ka dhacday gobolka Bari lagu dilay xubno badan oo ka tirsana Daacishta Soomaaliya.