Maamulka gobolka banaadir oo uga digey ganacsatada iney boorarka xayeysiinta ku dhegsadaan wadooyinka

0
9

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa billaabay la xisaabtanka Shirkadaha Ganacsi ee ka howlgala Magaalada Muqdisho, kuwaas oo boorar xayeeysiin ku dhegsaday tabeelayaasha kuyaala waddooyinka Caasimadda, iyaga oo aan bixin Canshuurta Billaha ah ee uu Maamulka Gobolka ka qaado Ganacsatada.

Agaasimaha Canshuuraha Gobolka Banaadir Marwo Sowda Suudi oo kormeer ku tagtay Degmooyinka Kaaraan iyo Waaberi ayaa digniin u dirtay dadka sida sharci darrada ah boorarka ugu dhagsada waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegtay inay jiraan Shirkado Ganacsi oo boorar iyo Tabeelooyin surtay waddooyinka Muqdisho, iyaga oo aan bixin Canshuurtii ku waajibtay, waxaana ay ka dalbatay inay boorarkooda soo diiwaangeliyaan si looga warqabo.

Warkaan kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli waddooyinka waaweyn ee kuyaalla Magaalada Muqdisho ay buux dhaafiyeen boorarka iyo tabeelooyinka Xayeeysiinta Goobaha Ganacsi ah, kuwaasi oo Maamulka Gobolka Banaadir uu Canshuur uu ka rabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here