Gudoomiyaha maxkamada ciidamada oo sheegey iney kor u kacdey dhibaatooyinka ay macawisleyda u geystaan shacabka

0
13

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in kor uu u kacay dhibaatada ay Macaawiisleeyda ay ka geesanayaan degaanada laga xoreeyay Al-shabaab oo xitaa hadda ay marayaan inay dilaan ciidanka Qaranka Soomaaliyeed mar uu maanta ka hadlaayay Shirka 7aad ee xeer ilaaliyaasha Soomaaliya oo markiisii ugu horeeysay uu ka qeyb galay.

Gudoomiye Shuute ayaa amaanay horkac uu sameeyay Garsoorka Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay, Garsoorka ciidanka qalabka sida isagoo ka hadlaayay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in sanadkii lasoo dhaafay ee 2024kii la horgeeyay oo laga furay 2597 galdacwadeed oo loox xiray 2966 eedeysane marka laga fiiriyo dhamaan Dowlad Goboleedyada ay ka howl galaaan.

Arinta argagexisada waxa uu sheegay in kiisaskaan ay ka ahaayeen 25% waxaana loo xiray 606 eedeysane oo lagu eedeenayo falal argagexisanimo, tani waxa ay muujisay in hoos u dhac uu ku yimid falalka dilalka ay argagexisadu geeysato marka la is barbar dhigo sanadkii 2023 iyo 2024, waxayna muujisay in ciidamada ay shaqa wanaagsan ay qabteen.

Gudoomiye Xasan Cali Shuute ayaa sheegay inay cabasho ka yihiin inaan wali maxkamadaha faracyadoodi la geeynin goobihii ay la wareegeen ciidanka ee laga saaray dhaq dhaqaaqa Al-shabaab, balse waxaa kor u kacay kiisaska ay qabteen ee Macawiisleeyda ah ku lugta leeyihiin oo dhibaata badan ka geesanayaa goobihii ay Shabaab kala wareegeen oo ilaa ciidamada ay dilaan ay marayaan waxaana ay sare u kacday falalka ay geesanayaan ilaa 11%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here