Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa war qoraal ah kasoo saaray dagaal culus oo saaka ka qarxay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeya ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in weerarka ay soo qaadeen ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayna beegsadeen xarunta maamulka degmada, sida lagu sheegay qoraal uu goordhow baahiyay Telefishinka ku hadla afka maamulka Jubbaland.
Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay in weli xarunta degmada ay ku sugan yihiin ciidamadooda, balse dagaalku uu weli socdo, iyagoo ku dooday inay iska caabinayaan weerarka lagu soo qaaday.
Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in xarunta la weeraray ay tahay goobta loogu adeego bulshada reer Baardheere, ayna arrintaasi tahay wax laga xumaado.
“Xarunta ay Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisu dagaalka kusoo qaadeen waa halka loogu adeego bulshada Baardheere, taasoo muujineysa in uusan dan ka lahayn shacabka, balse uu leeyahay dano shaqsi ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka Jubbaland.