Dagaalka u dhexeeya ciidamada maamulka puntland iyo daacish oo xoogeystey

0
10

Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ayaa haatan ka socda aagag kamid ah Togga Jaceel. Sida la xaqiijiyay, ciidamada Puntland ayaa weerar ku qaaday fariisimo ay Daacish ku lahayd halkaas.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalku yahay mid aad u culus, islamarkaana ay ciidamada Puntland dadaal ku bixineyaan jebinta saldhigyada adag ee Daacish ku leedahay goobta loo yaqaan Quraca.

Sidoo kale, ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay la wareegeen dhufaysyo muhiim ah oo ay Daacish ku sugnaayeen maalmihii u dambeeyay.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan socda. Hase yeeshee, dagaalkii xalay ee Daacish ay kusoo qaadday ciidamada Puntland ayaa la soo wariyay inuu sababay dhimashada 10 askari iyo dhaawaca tiro kale oo badan.

Kornayl Cabdisalaan Caydiid iyo Kornayl Farxaan Xaraare oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada Puntland, ayaa ka mid noqday saraakiishii ku geeriyootay weerarka Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here