Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo maanta ka qeyb-galay Shirka Dawladaha Adduunka ee ka furmay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay dal ay si weyn uga sugayaan ictiraafka ay mudada badan raadinayeen.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay inuu rajeynayo in Mareykanku noqdo dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland, xilli dhawaan hadal-haynta arrintaan ay si weyn u faaftay, wallow su’aal la geliyay in qorshaha ugu jirto madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Donald Trump.
Sidoo kale wuxuu madaxweynaha Somaliland nasiib darro ku tilmaamay midowgii Somaliland gashay sannadkii 1960-kii, kaas oo uu sheegay in xilligaas looga gol lahaa in lagu raadiyo Midnimo Soomaaliyeed, balse Somaliland lasoo noqotay madax-bannaanideeda markale 1991-kii.
Hadal-jeedinta Cirro oo isugu dhafnayd mid uu ku iibgeeynayey qaddiyada Somaliland ee aqoonsi raadinta ayaa ku dheeraaday wixii u qabsoomay soddonkii sano ee la soo dhaafay, goobta ay ku taallo iyo muhiimadda ay u leedahay in ay hesho aqoonsi caalami ah.