Waxaa maanta dib loo furay ganacsiga suuqa weyn ee Bakaaraha, kadib markii xal hordhac ah laga gaaray xiisaddii ka taagneyd suuqaas oo ka dhalatay canshuuraha dheeraadka ah ee ay dowladdu kusoo rogtay ganacsatada Muqdisho.
Dib u furidda suuqa Bakaaraha ayaa timid kadib markii uu xalay arrintan soo farogeliyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, ahna kusimaha Madaxweynaha, Sheekh Aadan Maxamed Aadan Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo qaabilay guddiga ay ku mideysan yihiin ganacsatada Gobolka Banaadir oo horay ugu dhowaaqay shaqo joojinta ay sameeyeen.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, iyo maalgashiga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh iyo guddoomiyaha guddiga difaaca ee golaha shacabka Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas oo welinayay ku simaha Madaxweynaha.
Xiisadda suuqa Bakaaraha ayaa soo noq-noqotay waxana ganacsatadu ay sheegeen inay qaati ka taagan yihiin canshuuraadka lasoo rogay, iyaga oo tilmaamay inay kasii wadi waayeen ganacsigooda.