Taliska ciidamada africom oo sheegey iney weerar ku qaadeen buuraha calmiskaad

0
10

Bayaan ay soo saareen Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa faahfaafin dheeraad ah ka bixiyey duqayn dhanka cirka ah oo kowdii bishan Febraayo ay ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland, waxaana lagu sheegay in saraakiil muhiim ah lagu bartilmaamaysaday.

Bayaanka waxaa intaa la raaciyay in duqaynta oo lala kaashaday Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, uu talisku fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Daacishta Soomaaliya 1-dii Febraayo, 2025, waxaa si toos loo beegsaday hoggaanka sare ee Daacish oo ku dhuumaalaysanayay meelo godad ah oo ku yaal qiyaastii 50 mayl meel koonfur bari ka xigta magaalada Boosaaso.

Taliska ayaa hadda shaaciyay in dhowaad 14 ka mid ah xubnaha Daacishta Soomaaliya ay ku dhinteen duqeymahaas, iyada oo aan dad rayid ah waxyeello gaarin.

Africom waxa ay xaqiijisay in Kuwa ku dhintay uu ka mid ahaa “nin lagu magacaabay Axmed Maeleninine, oo ahaa xubin muhiim ah oo maalgelinayay, isla markaana hoggaaminayay hawlgallada dibadda ee Daacish, mas’uulna ka ahaa u dirista jihaadiyiinta gudaha Mareykanka iyo Yurub.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here