Lamaane is qaba oo lagu xukumey laba sano oo xajig ah

0
12

Maxkamadda Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa 2 sanno oo xabsi ah ku xukuntay nin iyo xaaskiisa oo lagu eedeeyey in ay iska duubeen 124 muuqaal oo anshax xumo ah sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Maxkamadda Abshir Cumar.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in arintaan uu uga digaayo bulshada Soomaaliyeed inay ka taxadaraan camerooyinka iyo moobilada lagu duubayo qolalka u gaarka ah lamaanayaasha ama aabaha iyo hooyada Guriga, waxa uu soo duubay muqaal uu uga wacyigelinayo Bulshada Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab oo laga baahiyay Tvga Qaranka.

Gudoomiye Abshir ayaa xusay in muqaalada ay duubeen lamaanayaashaani oo magacyadoodi iyo sawiradoodi la qariyay ee xukunka ku dhacay ayaa lala wadaagay qaar kamid ah waalidiintooda iyagoo laga dalbanayo inay bixiyaan lacago markii dambana la ogaaday inay ahaayeen wax ay isla ogaayeen.

Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Waaberi ayaa cadeeyay inuu in muddoyinkii 3bil uu maamulka Maxkamaddaan haayay uu kiiskaasi ahaa mid layaab ku noqday laga soo bilaabo Bishii November.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here