Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyo hubeysan ay weerareen dad Xoolo dhaqato ahaa oo ku sugnaa degaanka Galo oo ku yaalla dhinaca Waqooyi ee Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug una jira 40 KM, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in weerarkaas lagu dilay laba nin oo dhalinyaro ah oo mid kamid ah lagu Magacaabi jiray Maxamed Shaakir halka weerarkaas uu mid kale ku dhaawacmay sida goob joogayaal ay xaqiijiyeen.
Maleeshiyaadkii ka dambeeyay weerarkaas ayaa waxaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen, waxaana uu salka ku haayaa arrimo la xiriira aanooyin qabiil iyo dilal horay uga dhacay aaga degaanka Galo ee Gobolka Galgaduud.
Dadka degaanka ayaa kusoo waramay inay soo wajahday cabsi xoogan oo ku saabsan in uu saameyn ku yeesho weerarkaas, isla markaasna colaadda ay noqoto mid sii xoogeysata oo dad kale lagu dilo.