Midowga africa oo gudoomiyaha cusub u doortey Maxamuud Cali Yusuf

0
36

Madaxda dalalka ku midoobay Ururka Midowga Africa ayaa u doortay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika doorasho dhowr wareeg ahayd oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Maxamuud Cali Yuusuf oo soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ilaa 2005-tii ayaa tartan adag kala kulmay Raila Odinga oo ah Ra’iisulwasaarihii hore ee Kenya, kaasi oo dowladdiisu ay si adag ugu ololeysay.

Shaashadaha Caalamka gaar ahaan warbaahinta Africa ayaa si toos ah u tebisanaysay Ilaa lix wareeg oo codeyn ah oo dhexmartay Yuusuf, Odinga, iyo Richard Randriamandrato oo ka socday Madagascar ayaa ahaa mid qaatay ilaa toddobo wareeg, Musharraxa Madagascar ayaa tartanka ka haray ka dib wareeggii saddexaad.

Wareeggii lixaad ayaa kala reebta noqotay waxayna ku qasabtay in Odinga uu tartanka ka haro ka dib markii uu helay 22 cod halka uu Yuusuf helay 26 cod.

Dalalka qaaradda oo dhan ma ay ahayn kuwo codaynayay ee waxaa jira dalal aan ka qayb galin codaynta, Dalalkaas oo ah lix dal waxay kala yihiin Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here