Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn culus oo Xalay lala eegtay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oo ku dhuumaaleysanaayay Togga Miiraale ee buuraleyda Calmiskaad ee gobalka Bari.
Taliska howlgalada ciribtirka kooxda Daacish ee maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta ay fuliyeen diyaaraha dagaalka Mareykanka ee dhanka cirka ah ka taageera howlgalada ka dhanka ah Daacish iyo Al-shabaab.
Warka kasoo baxay Taliska laguma faahfaahin khasaaraha ka dhashay duqeynta Xalay lala eegtay kooxda Daacish ee ka dhacday Toga Miiraale ee dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad, mana jirto war rasmi ah oo sidoo kale kasoo baxay dhanka Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo ku aadan khasaaraha ka dhashay duqeynta.
Si kastaba ha ahaatee Buuraleyda Calmiskaad waxaa bilahii lasoo dhaafay ka socday dagaalo toos ah iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Daacish oo lagu doonayo in looga ciribtiro dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari oo kooxdu ku leedahay fariisimo waa weyn.