Cali Jeyte oo soo jeediyey in caruurta iyo haweenka alshabab laga musaafuriyo magalada

0
9

Hoggaamiyaha ciidanka difaaca deegaanka ee Macawiisleeyda Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan ayaa soo jeediyay in caruurta ay dhaleen maleeshiyaadka Al-shabaab iyo haweenkooda loo masaafuriyo deegaanada kooxdu joogaan.

Cali jeyte ayaa tilmaamay ineysan suurtagal aheyn in Al-shabaab xaasaskooda iyo caruurtooda si nabad galyo ah ku dhex joogaan magaalooyinka dowladda ka taliso.

Wuxuu sidoo kale sheegay hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda Soomaaliya in kooxda Al-shabaab ay ka daran yihiin gumeystahii dalka soo maray, marka loo eego sida ay ula dhaqmayaan dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Cali Jeyte Cismaan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney u midoodaan dagaalka ka dhan ah Al-shabaab ee la doonayo in dalka looga xureeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here