Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cabdi Faarax Shirdoon.
War qoraal ah oo laga soo saaray Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira latashiyada qaran ee uu la qaadanayo waxgaradka, masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed inuu Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ra’iisul Wasaare hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya, waxayna isla qaateen muhiimadda dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya shacabka Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiintaan ayaa isla gartay in la xoojiyo lana garab istaago dadaalada ay Dowladda federaalka ay ugu jirto in Kooxaha Argagexisada laga xoreeyo Soomaaliya korna loo qaado tayada ciidanka Qaranka.