Ciidamada dowlada oo howlgalo lagu sifeynayo alshabab ka fuliyey deegaano hoostaga degmada walaweyn

0
15

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysanaa ku burburiyay fariisimo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen cutubyo ka tirsan Ururka 64-aad guutada 7-aad ee qeybta 12-ka April oo kaashanaayay ciidanka Booliiska degmada Wanlaweyn ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Leego iyo Yaaqbari weyne.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortaga dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-shabaab iyo xaqiijinta amniga guud ee Wanlaweyn.

Saraakiishu maysan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay howlgalka ay ku burburiyeen Saldhigyada maleeshiyaadka Al-shabaab ku lahayeen inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaqbari weyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here