Labo diyaarad ciidan oo kasoo duulay dalka Turkiga ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo warbaahineed oo Turkiga ah.
Diyaaradahan ayaa sida la xaqiijiyay siday ilaa 500 oo askari oo Turkish ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in tirada guud ee ciidamada Turkiga ee la filayo in la geeyo Soomaaliya ay kor u dhaafi karto 2,500 askari, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin tirada saxda ah.
Imaanshaha ciidamadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale, diyaaradaha dagaalka ee Turkigu leeyahay ayaa qeyb ka noqonaya duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu taageerayo amniga Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisada, iyadoo loo marayo heshiiska iskaashi ee dhinaca difaaca ee u dhexeeya labada dal.