Ciidamo macawisleey ah oo weerarku qaadey deegaano ay ku sugan yihiin alshabab

0
16

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysnaa oo galinkii dambe ee Shalay ciidanka Macawiisleeyda ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay ciidanka Macawiisleeyda deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo beegsaday goobo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda deegaanka Mabaax ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka ay ku dileen xubno badan oo ka tirsan kooxda, hayeeshee maysan sheegin tirada rasmiga ah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wali saakay ciidanka Macawiisleeydu ka wadaan tuulooyinka hoostaga Aadan yabaal howlgalo ay kusii baacsanayaan firxadka Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here