Wararka aynu ka heleyno Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab.
Howlgalkaan ayaa ka dhacay galbeedka Deegaanka Kaam-jaroon ee Gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo fadhiisin u ahayd Kooxda al shabaab ee la weeraray.
Saraakiisha howlgalkaan hogaamineysay ayaa shaaca ka qaaday inay ku guuleysteen howlgalka ayna jab gaarsiyaan Kooxdii Al shabaab ay weerareen.
Ilaa 9 xubnood oo horjoogayaal iyo dagaalamayaal iskugu jira ayay cadeeyeen saraakiisha howlgalka hogaamineysay inay ka dileen Kooxda Al shabaab..