Warar cusub ayaa kasoo baxaya weerar culus oo Xalay ciidamada Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ka fuliyeen qeybo ka mid ah deegaanka Abooreey oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan kooxda.
Ciidamada ayaa howlgalka si gaar ah ugu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen, waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah.
Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee si rasmi ah looma oga inta uu dhan yahay khasaarah dhabta ah ee dagaalka.
Saraakiisha howlgalka hogaaminaysay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in kooxdu jab xoogan gaarsiyeen, islamarkaana ay wali wadaan baacsiga firxad xubnaha Al-shabaab.