Midowga yurub oo sheegey in mustaqbalka somaliya aanu ku xirnaan karin deeqaha reer yurub oo keliya

0
13

Midowga Yurub oo muddo dheer ka mid ahaa maalgeliyeyaasha ugu waaweyn hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, ayaa muujiyay baahida loo qabo in si caddaalad ah loo qaybiyo masuuliyadda dhaqaale iyo tan farsamo ee howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Mas’uuliyiin reer Yurub ah oo ku sugan Brussels ayaa sheegaya in dalalka kale ee saameynta leh sida wadamada Khaliijka, Mareykanka, Shiinaha iyo quwadaha gobolka Afrika ay tahay inay hadda bilaabaan bixinta kharashaadka haddii hawlgalka xasillinta Soomaaliya la rabo inuu sii jiro.

Midowga Yurub waxa uu muujiyay daal miisaaniyadeed oo sii kordhaya iyo in mustaqbalka Soomaaliya aanu ku xirnaan karin kaliya deeqsinimada Midowga Yurub.

Hawlgalka AUSSOM ayaa sidoo kale u gudbaya wejiyo cusub, isaga oo ka baxay qaabkii ciidamo nabad ilaalin ah oo toos ah kuna sii soconaya dhinacyo ay ka mid yihiin taageero farsamo iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.

Wadahadallo dhawaan ka dhacaya Kampala ayaa lagu wadaa in howlgalka nabad ilaalineed ee Soomaaliya loo beddelo qaab cusub oo loo bixiyey “xasillin fudud”, kaasoo diiradda saaraya tababarro, latalin iyo hagid, halkii laga sii wadi lahaa dagaallo toos ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here