Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi ah loo helay.
Sida ay qortay Nordic Monitor, Heshiiska ayaa u ogolaanaya shirkad Turkiga laga leeyahay inay sahamin iyo soo saarid ka fuliso xeebaha Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay heli doonto kaliya saami dhan 5% boqolkiiba dakhliga guud ee kasoo baxa kheyraadkaasi.
Sida laga arkayo dukumintiga, Turkiga ayaa ballan qaaday inuu bixiyo kharashyada sahminta iyo qalabeynta, halka Soomaaliya ay noqon doonto la-hawlgalaha rasmiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, saamiga dakhliga ayaa dhaliyay dood weyn oo ku saabsan caddaaladda heshiiskan. Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta heshiiska.