Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo ay xalay Al-Shabaab ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamul Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hoobiyeyaasha oo soo dhacay xilli habeenimo ah ayaa qaarkood waxa ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla gudaha magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray rayid aan waxba galabsan, kadib markii ay madaafiicda ugu tageen guryahooda.
Dadka ay waxyeellada soo gaaryay waxaa kamid ah hooyo iyo carruuteeda oo noqday dhimasho iyo dhaawac, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale, waxaa burbur xooggan uu soo gaaray guryo ku yaalla magaalada oo shacab ay daganaayeen, waxaana haatan socda baaris ay wadaan laamaha amniga Baydhaba.
Shacabka ayaa sidoo kale saaka isugu soo baxay goobaha la duqeeyay, iyaga oo isku gurmaday, waxaana muuqaallo la helay ay muujinayaan saameynta hoobiyeyaasha lagu garaacay halkaasi.