Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa war ay soo saartay waxa ay ugu baaqday shacabka Jubbaland in aan lagu marin habaabin qaadashada aqoonsiga Qaranka ee dhawaan ay hirgelisay Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay cadeysay in sharci kasta ama hindise aan si wada jir ah loogu heshiin uusan matalin dowladda Jubbaland, waxaana ay sheegtay in sheey waliba oo aan heshiis lagu ahayn uusan dhaqaaqi karin.
War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda waxaa shaaca looga qaaday in Kaarka Aqoonsiga Qaranku aanu lahayn heshiis sharci iyo aqoonsi rasmi ah Sidaas darteedna uu maamulka Jubbaland u haysto inuu yahay hindise siyaasadeysan oo aan wax sharci ah ku lahayn dowladnimada.
