KA SHAQAYNTA ISKA HORKEENIDDA BEELAHA AW-DIGIL DANO SHISHEEYE AYEY DABADA KU HEYSAA

10
461

gobolkeenaAnagoo ku hadleyna Magaca qurba joogta Beesha Shangamaas (Tunni), waxaan jawaab ka bixineynaa maqaalkii lagu soo daabacay website ka www.daafeet.com taariikhda  markay aheyd 12/05/2014 maqaalkaas oo jawaab looga bixinayey war murtiyeed ay wax garadka beesha Tunni ka soo saareen magaalada muqdisho oo ku aadanaa sidii looga hortagi lahaa dhulboobka ka socda guud ahaan qeybo badan oo soomaaliya ka tirsan gaar ahaan koonfurta Soomaaliya.

Maqaalkaasi oo cinwaan looga dhigay  “Beesha Tunni oo beelaha Jiido iyo Barawe ku haysata degmooyinkooda”   http://daafeet.com/?p=14214 Ayaa waxaa uu u muuqday mid aan jiho laheyn, cilmina ku saleysnayn maadaama qoraaga ay ka muuqatey aqoon daro ku aaddan taariikhda iyo juqraafiga dhulalka iyo dadyowga laga hadlaayey , waayo reer barawe iyo Tunni ayuu sida  maqaalkiisa ka muuqata u  fahan san yahay laba beelood  oo kala gedisan halka xaqiiqda dhabta ah ereyga reer baraawe loola jeedo Tunni iyo dadka kale ee degmada baraawe la dega, sidoo kale wuxuu ku sheegay  maqaalka inay beelaha Jiiddo ku heystaan degmooyinka Sablaale iyo Kuntuwaarey. Marka hore beelaha Tunni iyo Jiiddo waa labo beelood oo walaalo ah kuna midooba qowmiyadda digil, intaa waxaa u sii dheer taariikh fog oo derisnimo soo jireen ah.

Beesha Walaalaheena Jiido oo 95% xoolo dhaqato ah waxay degaan Wabiga yar ee la yiraahdo Daanisow dhinaciisa galbeed ama qorax u dhac. Ilaa dhankiisa kore ee deemaay Taariikhda dhow sida ay qoreyso Jiido waxay ka soo talaabeen wabiga abaarihii 1974 markii Sablaale lasoo dejiyay qaxootigi Abaartii dabadheer.  Degmada Kuntuwaarey, Arbowherow ilaa aad Abaqdheer waxay la degaan Tunni.

Tunni Dhulkeedana waa Golweyn ilaa Goobweyn shishadeeda waxayna isugu jiraan Beeraley, Xooladhaqato iyo Ganacsato. Lagumana yaqaano dhul balaarsi taariikhna uma lahan “ku qabso ee ku qadimeysid” Tunni waxa lagu yaqaanaa Somali jacayl. derisnimo iyo wadaninimo buuxda, sida la wada ogsoon yahay Tunni waxay waligeed ka shaqeyn jirtey sidii Soomaaliya midnimo iyo xornimo u heli laheyd, taasi waxaa daliil u ah in laba ka mid ah sadex iyo tobanki dhalinyaro ee aasaastay xisbigii gobanimodoonka ee SYL ay ka soo jeedeen beesha Tunni.

Waxay kaloo soo dhoweyn iyo dib u dejin u sameeyeen walaalaheed Somaliyeed oo kasoo qaxay Abaartii dabadheer iyo abaarihii kale ee ka horeeyey

Degmooyinka qaar ooy degaan wadaag ku yihiin Tunni iyo Jiidana waa la yaqaanaa, derisnimada iyo dhaqan wadaaggaas waa mid  u baahan in la dhowro lagana difaaco shisheeyaha u bareeray inuu dhulalkan iyo dadkoodaba kala jarjaro.

Wax magaratada dacaayadaha raqiiska sooqorayana waxaan leenahay meel ha uga dhicina sharafka dadyowga digil iyo aqristayaasha qiimaha iyo qaayaha badan ee shabakooyinka soomaaliyeed.

 

Cali Cabdulahi (Cali Sablaale)

Wabillahi Tawfiiq

10 COMMENTS

  1. Waxan JECLAAN LAHAA QORAALKAN MAANTAAD AAD SOO QORTAY SABLAAlLE INAAD KAGA HADLI LAHEED SIDA BEESHA TUNI OO AAD U HADLEYSO AY WALALAHOOD BIIMAAL U KALMEEN LAHAYEEN OO GOBOLKA DHAN CADOWGA LOOGU XUREEN LAHAA LAKIN NASIIB DARO ANAGOO NALA WADA HEESO AYAAN IS SII CURYAMINEYNAA KOLEY CEEB NAGUMA AHA WAA CAADADEENA

  2. BIIMAAL aya la isugu tagay anagana gacaamaha aya ka laabaneey, waxa loo so socdaana waa sidi DIGIL IYO biimaal loo gumeysan lahaa kadibna waxa lanagu qasabaya inan hawiye sheegano digiloow xaasidnimada dhexdeena ah ogaada malin an fogeeyn wa laga shaleeynaya

  3. BEESHA TUNNI SHAN GAMAAS MA AHAN BEEL TAAGEERTA DAGAAL SOKEEYE NOOC KASTABA HA AHAADEE, ISKABA DHAAF DAGAAL DHEX MARO LABA UMMAD ISLAAM AH , KAASOO DIINTA LAGU CADDEEYEY IN LABADA QOLOBA ‘KAN WAX DILAAYO IYO KAN LA DILAAYABA AY YIHIIN AHLU NAAR”.

    TAARIIKHDA BEESHA TUNNI WAA MID AAD IYO AAD U FOG, WAXAADNA KA BARAN KARTAAN GOOBAHA TAARIIKHEED EE CAALAMKA LAGUNA KEYDIYO, MAXAA YEELEY SOMALIA WAXEY KU SIFOWDEY INEY TIR TIRAAN TAARIIKH SOO JIREEN AHAA SI AY U SAMEYSTAAN TAARIIKH MACMAL AMA GACAN KU RMIS AH, LAAKIN TAASII MA SUURTO GELIN MAXAA YEELEY CAALAMKA AYEY KU KEYDSAN TAHAY TAARIIKHDA BEESHA TUNNI .

  4. Waxaan leeyahay well said Cali sablaale maasha allaah kuwa wax isku diraayoow waxaa lagu jiraa bil barakeesan umada islmaamka ee soomaaliyeed yanan la isku dirin hadii uu caqligiina idingaarsiiyay kuwaan biyomaal maxaa la nooguhiilin waayay kuhaaya war hadaad dadka islaameed gardareesataan oo la idin iska Kiin dhiciyay umada islaameed oo kale maxaad marwalba urabtaan inay iyagana dagaalka aad shadaysaan inay umada ku baa ba”do warka jooga oo gaalada aad wax ka maqleesaan iyo kuwa raba inay goostaan oo idin durbaan tumaaya warka jooga ayaan idinleeyahay markale cadowga aad sheegeesid waa umada soomaaliyeed oo dagan dhulkaas marka yaa cadow utaqaanaa wax magarato ayaa wax iska soo qoreeysa

  5. Slmc waxa meesha kasocdo waalo jeeda nin indhiisa shanta yahiin oo kasoo doolay cadaado iyo guriceel markuu kuguqabsado shabeelaha hoose hadana kugu dilayo islanka aad sheegayso islankee waaye ii sheeg dowlada mar sooqado mar siyaasi iska dhig mar waxgarad iska dhig mar dadkii gobalka u dhashay iska dhig markale odaydhaqamed iskadhigta afkaag aakusoo xirxirayo dhaxalkii aabahaa ninkii rabo inisqaato indhaga oo shanta ah sidii biimal hadii loo istagin aniga waxaan isleeyahay gaalo madoobay waa iskeen qaada hesaa dulmi majabo lkn ninkiisa aa jabo

  6. tan S/Hoose ka socota waxay noqon doontaa lama ilaawaan Dhul iyo ninkiisa ayaa hore soomaali u tiray marka qof 650 km ka imaaday ha kuu taliyo uuna kaa yeeshto sidii uu doona ma dhaci foonta insha allah
    riyada hawiye mid mar so caneyso maahan diintuna waxay qabtaa inaad la jihaado qofka usoo dhigta maalkaaga iyo naftaada bi idni laahil kariim waxaa gobalka laga waayi doonaa wax hawaarineey sheegto.

  7. shabeeelada hoose maxaa layskugu heestaa waa hawiye oo federaalkii waxa ka waaye kadib aw digil iyo biyomaan waa dhulwadaag marko waxaan aniga dhihi lahaa yaanan taariikhda buugaagta lagu heysanine cadawga dhul la’aanta ah ha lis ka kiciyo

  8. Lax meeshey is dhigto ayaa lagu gowracaa maxaa yeelay in dad aan degaan sal ku laheyn ay isku diraan ayagana aqbalay in la isku diro waa ayaan daro jiido iyo tuni waa walaalo degaan waa ka dhexeeya hadii jido dhegta wax looga sheego layiraahdo sablaale iyo kuntuwaarey adigaa leh dhul boobka waxay ka
    fikiriyaan jiido waad ka qaadan kartaan sidoo kale tuni keligeed hadii loo dhaafo waad ka qaadan kartaan haalka hadii sidaas yahey maxaa idinla gudboon ma inaad utashataan dhulkiina mise tooda ayaad u yeelaysaan qolada dhul boobka?gibil cad iyo tuni waa hal ma ahan in lagu tilmaamo wax bey kala boobayaan fekerkaas waa kii kooxaxa dhul boobka wax yaabaha qaarkood halaiska ilaaliyo qof walba waa uu og yahay taariikhdiisa ee dhulkan la boobaayo hala difaaco digilna halaga shaqeeyo midnimada guud bimaal waa walaal deres wadaag waqti dheer hala garab siiyo kadib haloo nasteexeeyo oo ah waxa la yiraahdo dir ayaa shabeelaha hoose wax ka degta taas raad malaha shabeelaha hoose waa aw DIGIL iyo BIIMAAL iyo gibil cad indhihiina fura waad mahadsantihiin

  9. Asc, waxay ila tahay dadkii dagaaladdii sokeeye ee Dhintay from Mustaxiil ilaa Xuduudii Kenya, in Diyodoodiii ay noqotay Shabeelaha Hoose dhul & dadba, waxaa ku filnaan weydey 23 sano & in ka badan waxay boobeen, dileen & kufsadeenba waaa deeqi waayay, waxaase wax lala yaabo ah soomaalidu 100 halaad ah ayaa diyo loo bixin jireye, Talow yaa u xisaabiya 23 sano Haddii la xisaabiyo Geedaha dhuxusha ay gooyeen keliya Balaayiin doolar ah kor ayay u dhaafeen, shalay USC magaceedii ayay ku yimaadeen kuna degeen maantana Shabaab ayay ku sii degayaan Shabeelaha Hoose!Ogaada Dadka degaankaa kasoo jeedoow Afartii Dibi ee aan sheeko ku maqlay in ay ku socoto, Maanta Biimaal, Beritona Garre,, Saa danbena Tunni, jiido, Shanta-caleemood, Galedi, Bagedi. War hooy indhaha kala qaada, Caqligiina ka shaqeeya.

  10. Habargedir dhulka soomaaliya oo dhan ayadaa iska leh oo waa dhulkeedii hadana wadanka masoo degin sida dadkaan biyomaal ka ka ahaa shabeelaha hoose oo ka imaadeen itoobiya iyo elaayda aanan lagaraneenin taariikhda meeshay SOOMAALi kasoo galeen hawiye waxaa ugu ween waa habargedir waxaa kusoo xiga waa murursade Labadaas qolo illaahay hadeesto waxay utaaganyihiin midnimada iyo danaha hawiye waana 7000000 milyan oo dad ah marka biyo soo dhaamiyoow intee kagalee todobo milyan oo dad ah aad cayneesid ma iska celinkartaa su ,aashu adinkaa idiin daayay caqli illaahoow hanaga qaadin sida dadka qaarkood.

Comments are closed.